Skip to main content

Posts

Showing posts from 2024

ATMIS oo tababar u furtay Booliis ka tirsan Jubaland+SAWIRRO

Saraakiisha Booliska ee ATMIS ayaa kulammo kor loogu qaadayay tayada Booliska Jubbaland ugu qabtay Saldhigyada Caterpillar & Dekadda Magaalada Kismaayo. Tababarka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadida xirfadaha sarkaalka ee samaynta dhoola-tusyada aqoonsiga, oo ah qayb muhiim ah oo ka mid ah baaritaannada dembiyada. Advertisement Kabtan Zakariye Sheekh Axmed & C/Razaaq Maxamuud Cabdullaahi oo kala ah Taliyeyaasha Saldhigyada ayaa uga mahadceliyay saraakiisha tababarka u soo xiray, waxayna ballan-qaadeen in ay sii wadi doonaan wadashaqeynta ATMIS si loo ilaaliyo dadka rayidka ah. Sarkaalka Isku xirka ATMIS, Kormeeraha Sare ee Bilayska (SSP) Eriya Elepot, ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee lagu dhisayo awoodda @SoPoliceForce (SPF)