Skip to main content

Bogga Hore

Comments

Popular posts from this blog

Hambalyo Iyo Bogaadin

 Waxaan halkan uga dirayaa hambalyo aan la soo koobi karin Taliye Ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Gobalka Gedo (DFs) Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Yaquub, oo muddo sanad ah howlo waxbarasho u joogay magaalada Muqdisho, caasimadda dalka. Shalay oo ay taariikhdu ahayd 22-da May 2025, Taliye Maxamed waxa uu si rasmi ah u difaacay buuggii thesis-kiisa, kaasoo uu ka diyaariyey Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan u rajaynayaa in cilmiga uu soo bartay uu noqdo mid wax weyn ka taraya amniga dalka, xasilloonida, iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.  Waxaan kaloo Alle ka baryayaa inuu u barakeeyo aqoonta, una furo albaabada guusha iyo adeegga waddankiisa si daacadnimo ku dheehan tahay. Mabruuk Taliye – Guushaadu ha noqoto mid ummaddu ku faanto. #ThesisDefense #NationalSecurityStudies #TaliyeMaxamed #GuulQaran #Somalia

ATMIS oo tababar u furtay Booliis ka tirsan Jubaland+SAWIRRO

Saraakiisha Booliska ee ATMIS ayaa kulammo kor loogu qaadayay tayada Booliska Jubbaland ugu qabtay Saldhigyada Caterpillar & Dekadda Magaalada Kismaayo. Tababarka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadida xirfadaha sarkaalka ee samaynta dhoola-tusyada aqoonsiga, oo ah qayb muhiim ah oo ka mid ah baaritaannada dembiyada. Advertisement Kabtan Zakariye Sheekh Axmed & C/Razaaq Maxamuud Cabdullaahi oo kala ah Taliyeyaasha Saldhigyada ayaa uga mahadceliyay saraakiisha tababarka u soo xiray, waxayna ballan-qaadeen in ay sii wadi doonaan wadashaqeynta ATMIS si loo ilaaliyo dadka rayidka ah. Sarkaalka Isku xirka ATMIS, Kormeeraha Sare ee Bilayska (SSP) Eriya Elepot, ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee lagu dhisayo awoodda @SoPoliceForce (SPF)  

Somaliya Waxaa Ay Talyaaniga U Direysaa In Kabadan Labaatan Dhaqtar

Soomaaliya ayaa in ka badan 20 dhakhtar u direysa dalka Talyaaniga, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah cudurka #Coronavirus. Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa baahisay in dhakhaatiirtan ay ka socdaan jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee xarunteedu tahay Muqdisho.