Skip to main content

Hambalyo Iyo Bogaadin

 Waxaan halkan uga dirayaa hambalyo aan la soo koobi karin Taliye Ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Gobalka Gedo (DFs) Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Yaquub, oo muddo sanad ah howlo waxbarasho u joogay magaalada Muqdisho, caasimadda dalka.


Shalay oo ay taariikhdu ahayd 22-da May 2025, Taliye Maxamed waxa uu si rasmi ah u difaacay buuggii thesis-kiisa, kaasoo uu ka diyaariyey Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Waxaan u rajaynayaa in cilmiga uu soo bartay uu noqdo mid wax weyn ka taraya amniga dalka, xasilloonida, iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed. 


Waxaan kaloo Alle ka baryayaa inuu u barakeeyo aqoonta, una furo albaabada guusha iyo adeegga waddankiisa si daacadnimo ku dheehan tahay.


Mabruuk Taliye – Guushaadu ha noqoto mid ummaddu ku faanto.


#ThesisDefense #NationalSecurityStudies #TaliyeMaxamed #GuulQaran #Somalia


Comments

Popular posts from this blog

Balad Xaawo

 Magaalada Balad Xaawo maanta waxaa dul hogatay daruurta halkan waa faras maagalada