Skip to main content

Xaliima Yarey Oo Lakulantay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya Xajaar

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim ayaa maanta xafiiska Guddiga kula kulantay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Maxamed Xajaar iyagoo ka wada hadlay arimaha amaanka doorashooyinka dalka ka dhici doono dabayaaqada sanadkaan 2020 iyo horaanta 2021.
Gudoomiyaha iyo Taliyaha Booliska ayaa kawada hadlay fulinta hawlihii looga balamay kulamadii u dambeeyay ee u yeeshay Guddiga Amniga Doorashooyinka waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen u daadajinta Guddiga Amniga Doorashooyinka heer dawlad goboleed iyo sidii loo samayn lahaa qorshe wadajir ah kasoo la jaanqadaya hawlaha iyo hanaanka farsamo ee hawlaha doorashada sida diiwangalinta codbixiyaha.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo horaantii isbuucan uu Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka warsaxaafadeed uu soo saarey uu ka dalbadey in Guddiga Amniga Doorashooyinka ay dardargaliyaan hawlaha sugida Amniga Doorashooyinka.
Taliyaha oo u mahadceliyay GMDQ ayaa dhankooda ballan qaaday in soo dadajin doonan hawlaha iyaga xagooda ah isagoo guddiga ku amaanay sida ay oga go’antahay qabsoomidda Doorashada dalka.
x

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Hambalyo Iyo Bogaadin

 Waxaan halkan uga dirayaa hambalyo aan la soo koobi karin Taliye Ku-xigeenka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Gobalka Gedo (DFs) Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Yaquub, oo muddo sanad ah howlo waxbarasho u joogay magaalada Muqdisho, caasimadda dalka. Shalay oo ay taariikhdu ahayd 22-da May 2025, Taliye Maxamed waxa uu si rasmi ah u difaacay buuggii thesis-kiisa, kaasoo uu ka diyaariyey Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan u rajaynayaa in cilmiga uu soo bartay uu noqdo mid wax weyn ka taraya amniga dalka, xasilloonida, iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.  Waxaan kaloo Alle ka baryayaa inuu u barakeeyo aqoonta, una furo albaabada guusha iyo adeegga waddankiisa si daacadnimo ku dheehan tahay. Mabruuk Taliye – Guushaadu ha noqoto mid ummaddu ku faanto. #ThesisDefense #NationalSecurityStudies #TaliyeMaxamed #GuulQaran #Somalia

“Yahuuda waxey xayiraad ku rogtay Muslimiinta reer Falastiin, Hindiya waxey bandoow gelisay Muslimiinta Kashmiir, Shiinahana wuxuu xerooyin ku ooday muslimiinta Ughaaris, Allahna wuxuu go’doon geliyay aduunka oo dhan” Sheekh Zakir Naik

“Yahuuda waxey xayiraad ku rogtay Muslimiinta reer Falastiin, Hindiya waxey bandoow gelisay Muslimiinta Kashmiir, Shiinahana wuxuu xerooyin ku ooday muslimiinta Ughaaris, Allahna wuxuu go’doon geliyay aduunka oo dhan” Sheekh Zakir Naik

Somaliya Waxaa Ay Talyaaniga U Direysaa In Kabadan Labaatan Dhaqtar

Soomaaliya ayaa in ka badan 20 dhakhtar u direysa dalka Talyaaniga, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah cudurka #Coronavirus. Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa baahisay in dhakhaatiirtan ay ka socdaan jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee xarunteedu tahay Muqdisho.